Animation

Daawo: Waxbadan ka ogoow socdaalka wasiir juxa uu maanta ku tagay magaalada cadaado maxaase magaalada ka socda?

no responses
Sunday May 28, 2017 - 2:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay gaareen Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedka Wasiir Juxa uu u tagay Magaalada Cadaado ayaa waxa u yahay ka qeyb galka xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Sidoo kale waxaa Magaalada Cadaado ku sii qul qulaya Ergooyin lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug.

Sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ku dhow Madaxtooyadda Galmudug Maanta ayaa lagu waddaa in Mas’uuliyiin kala duwan oo qeyb galeysa Caleema Saarka ay gaaraan Magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishan, waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada shacabka degan Gobolada Dhexe.