Animation

Daawo: Waxbadan ka ogoow sababta Wasiirka Amniga Abuukar Isloow uu Maanta Kismaayo u tagay

no responses
Monday November 13, 2017 - 6:19 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane  Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa caawa fiidkii gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wasiirka iyo Wafdiga la socday waxaa si haboon ugu soo dhaweeyey garoonka magalada Kismaayo Wasiirka Wasarada Amniga ee dawlada Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur iyo mas’uliyiin ka tirsan labada gole ee Dawlad Goboledka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu garoonka ku soo dhaweeyo Wasiirka Amniga  Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducale Islow ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Amniga iyo mas’uuliyiinta kale soo dhawayntiisa ka qeyb qaatay, waxaana uu tilmaamay in uu Kismaayo u yimid sidii meel looga soo wada jeesan lahaa  cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Socdaalka Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ku soo beegmaya xilli maanta uu ka furmay magaalada Kismaayo shir ay ka qayb galayaan Wasiirada Wasaaradaha Amniga ee dawlad Goboleedyada dalka, kaasi oo maal maha soo socda lasoo gbo gabayn doono.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.