Animation

Daawo: Waxbadan ka ogoow qorshaha wasiir juxa uu magaalada galkacyo u jooga muxuuse halkaasi ka wadaa??

no responses
Thursday June 22, 2017 - 11:50 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka cabdi faarax juxa ayaa waxa uu ku suganyahay magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug.

Wasiir juxa ayaa galkacyo ka wada kulamo gooni gooni ah oo uu la yeelanaayo waxgaradka magaalada galkacyo ee labada maamul.

Wasiirka ayaa waxgaradka labada dhinac ee galkacyo kala hadlay xoojinta nabad galyada iyo dhaqan gelinta heshiisyada ay labada madaxweyne kala saxiixdeen dhawaan.

Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha dowlada federaalka ayaa galkacyo kula kulmay wasiiro ka tirsan labada maamul oo dhawaanahaan kulamo ay uga socdeen magaalada galkacyo.

“Waxaa sharaf weyn ii ah inaan Ka mid noqdo dib-u-heshiisiin nabadeed oo ay bilaabeen Madaxda,Odayaasha,Hooyooyinka iyo qeybaha Kale u bulshada Ku nool magaaalda Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug”. ayuu yiri wasiir juxa.

Galkacyo waxaa horay dhowr jeer ugu dagaalamay maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada galmudug iyo puntland waxaana hada labada dhinac ay doonayan in markale aysan soo laaban dagaaladaasi.

 

Facebook Comments