Animation

Daawo: Waxbadan ka Ogoow Kulan Kismaayo ku dhexmaray masuuliyiin sare oo Hey’addaha Garsoorka ka socda iyo Maamulka Jubbaland

no responses
Monday November 28, 2016 - 10:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Kismaayo waxaa Maalintii shalay gaaray wafi ka socda Hey’addaha Garsoorka Dowlada Federaalka waxaana Wafdigaas kamid ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Wafdigan ayaa kormeer ku sameeyay xarumaha ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha Magaalada Kismaayo iyo Xabsiyada,iyagoo u kuur galay howsha Garsoorka ee maamulka Jubbaland.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa kulamo kula qaatay Kismaayo madaxda maamulka Jubbaland.

Wafdigaan ayaa Ujeedkooda ugu muhiimsan waxaa la sheegay in ay tahay sidii loo hagaajin lahaa Nidaamka Garsoorka Dalka .

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka