Animation

Daawo: Wasiirka gaashaandhigga iyo La Taliyaha Amniga ee madaxweynaha oo beesha caalamka u sharaxay qorshaha amniga

no responses
Thursday April 27, 2017 - 2:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kulan ka dhacay xerada xalane ayaa waxaa looga hadlay qorshaha qaran ee dhismaha ciidanka xoogga dalka soomalia.

Kulanka waxaa ku sugnaay wasiirka gaashaandhigga soomalia C/rashiid C/llaahi iyo la taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Xuseen Macalin iyo xubno ka socda beesha caalamka.

La taliyaha madaxweynaha ee dhanka amniga iyo wasiirka gaashaandhigga ayaa xubnaha beesha caalamka waxa ay uga warbixiyeen heshiiskii dowladda federaalka iyo dowlad goboleed-yada ay ku galeen muqdisho kaasi oo ku saabsanaay siyaasadda qaran ee dhismaha ciidanka xoogga dalka soomalia.

Kulankan ayaa waxaa goob ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobey, Safiirka Mareykanka, Safiirka Imaaraadka Carabta, Wakiilka Midowga Afrika iyo Safiiro kale.

Wakiilka qaramada midoobay ee soomalia danjire keating ayaa kulankaan shir guddoominaayay waxaana intiisa badan warbixin looga dhageystay la taliyaha madaxweynaha ee dhanka amniga qaranka iyo wasiirka gaashaandhigga xukuumadda soomalia.

Wakiilada beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay qorshaha qaran ee amniga iyo dhismaha ciidamada qalabka sida soomalia waxaana ay sheegeen in qorshahaan ay garab istaagi doonan.

Sidoo kale wakiilada caalamka waxa ay rajo xumo ka muujiyeen in qorshahaan uu ka socon waayo baarlamaanka soomalia oo hada mooshin ka keenay qorshaha amniga ee dhismaha ciidanka qalabka sida.