Animation

Daawo: Wasiir isloow iyo wafdi uu hogaaminaayo oo jowhar gaaray maxayse tahay ujeedka socdaalkooda?

no responses
Monday July 31, 2017 - 11:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa ka qeyb galaya shir lagu heshiisiinayo labo beelood oo ku dagaalamay deegaan hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maalin ka hor u qabtay shir hordhac odayaasha ka soo jeeda deegaanka lagu dagaalamay, waxaana la isku afgartay in xalka laga gaaro dagaal beeleedkaasi.

Shirka ayaana la filaaya in daqiiqado kadib uu si rasmi ah magaalada jowhar uga furmo iyadoona dowladda federaalka ay shirkaan ka qeyb galeyso.