Somali News Top News

Daawo: Wasiir Beyle iyo mas’uliyiin kale oo dalxiis ku tagay deegaanka Goob-weyn oo 15-km u jirta Kismaayo

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo hogaaminaya Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada ayaa Kormeer shaqo ku tagay Deegaanka  Goob-weyn ee Gobolka Jubada Hoose.

Halkaasoo Wasiiradu soo indha indheeyeen qaabka deegaanka iyo habka cimilo ahaan ay u sameysan tahay,taasoo laga dheehan karo hab dhaqan dhaqaale iyo horumar joogta ah.

Deegaanka Goob weyn oo ah  halka Wabiga Jubba uu kaga darsamo Badweynta Hindiya ayaa ah deegaanka dalxiiska aad ugu wanaagsan.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Kismaayo u tagay shir looga hadlayo mideynta canshuuraha Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo gelinkii danbe ee talaaladada lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland

.

Related posts

Akhri Xasaasi: Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta wax ka badal ku Sameyn Doono Qodobo Dastuurka ka mid ah oo Puntland ay horay uga soo horjeesatay

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Alshabaab oo la wareegay Balcad iyo Ciidamada Amisom oo Gaadiid Badan laga gubay

admin

DEG DEG: Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowlada oo goordhaw Suuqa Bakaaraha ka dhacay

admin