Animation

Daawo: Warar iyo sawirro hordhac ah oo ku saabsan munaasabadda caleema saarka madaxweyne xaaf iyo mas’uuliyiinta ka qeyb gashay

no responses
Monday May 29, 2017 - 11:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada cadaado waxaa hada kasocota munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka galmudug axmad ducaalle geelle xaaf.

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha galmudug waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo, madaxweynayaasha maamul goboleed-yada jubbaland iyo puntland iyo madaxweyne ku xigeenka hirshabeelle wakiilka qaramada midoobay ee soomalia micheal keating iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha galmudug oo dhawaan ay doorteen xildhibaanada baarlmaanka maamulkaasi ayaa maanta lagu caleema saaraya magaalada cadaado.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa markii u horeysay gaaray Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug, waxaana dad badan arrintan ku tilmaameen mid sare u qaadi doonta nabad ku wada noolaanshaha labada maamul.

Munaasabadda ayaa si heer sare ah uga socota madaxtooyada magaalada cadaado .

Munaasabada Caleema saarka ayaa xilligan ka socota xarunta Madaxtooyada Cadaado, halkaasoo ay ku sugan yihiin Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada, wakiilada beesha caalamka iyo mas’uuliyiin kale.

Xaflada Caleema saarka ayaa la filayaa in galabta la soo gunaanado, iyadoo madaxda tagay halkaas ay dib ugu laaban doonaan meelihii ay ka yimaadaan.