Animation

Daawo: Wafdi u horkacaayo wasiirka arimaha gudaha dowladda federaalka oo gaaray magaalada kismaayo

no responses
Monday August 21, 2017 - 9:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo  Dib-uhishiisiinta DFS Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa gaaray Magaalada Kismaayo, waxaana safarkiisa ku wehliya Xildhibaano katirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xubno ka socday Maamulada Dalka.
Garoonka Diyaaradaha Kismaayo waxaa wefdiga kusoo dhaweeyey Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamed Warsame Darwsiisho iyo xubno kale oo katirsan Jubbaland.
Wefiga uu hogaaminayo Wasiir Juxa ayaa ujeedka socdaalkoodu ahaa sidii ay u daahfuri lahaayeen Barnaamijka Dowladaha Hoose oo markii ugu horeeyey ay Jubbaland yeelaneyso.
” Safarkayagu wuxuu ku saabsanyahay in barito aan daah furno Barnaamijkii dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Jubbaland, Waa Barnaamij muhim ah,  udhaadhicinta Dowladnimada, iyo fidinta adeegyada aas aas u ah weeye”sidaas waxaa yiri wasiir Juxa.
Barnaamijkan waxaa dhawaan laga soo daahfuray Koonfur Galbeed Baydhabo berina waxaa  laga daahfurayo Jubbaland, dabadeena aan jacelnahay in aan ka hirgalino Galmudug iyo Hirshabeele, waa Barnaamij muhim ah, inaan Barnaamijka wax ka daahfurno barito ayaanu u nimid” sidaa waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo warbaahinta kula hadlay qeybta nasashada ee Garoonka Kismaayo.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.