Animation

Daawo: Wafdi ka Socda Qaramada Midoobay iyo Dowlada Federaalka oo Maanta Kismaayo Tagay Iyo Madaxaweyne Ku xigenka Jubbaland oo…

no responses
Monday September 19, 2016 - 7:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdigaan oo uu hoggaaminaayey ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa arimaha bini aadanimada ee Soomaaliya Bita Diklak ayaa waxa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyey xubno kamid ah wasiirada Jubbaland oo ay kamid yihiin wasiirada arimaha gudaha iyo cadalada iyo wasiir kuxigenada warfaaanita iyo maaliyada.

Wafdiga ayaa markii uu gaaray magaalada Kismaayo waxa uu kulamo albaabada u xiran yahay la qaateen madaxda maamulka Jubbaland oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa.

Markii uu soo dhamaaday shirka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud “Luga Dheere” iyo ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Bita Diklak, waxa ayna si wadajir ah uga hadleen arimaha qaxootiga iyo sidii loo dib maareyn lahaa dib u dajintooda.

Dhanka kale wafdigaan ka socday Qaramada Midoobay ayaa labo gaari oo ay bixisay hay’adda UNDP ku wareejiyey wasaarada Caddaaladda Jubbaland.

Booqashada wafdigaan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli dhawaanahaan magaalada Kismaayo ay ku soo qul qulayaan boqolaal qaxooti Soomaali ah oo ka soo laabanayo xeryaha barakacayaasha Dhadhaab ee waqooyi bari dalka Kenya.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Socdaalka Wafdiga ee Kismaayo

img_0018-1 img_0019 img_0020 img_0025 img_0029 img_0031 img_0039 img_0045 img_0049 img_0060 img_0064 img_0066-1 img_0070-1 img_0072-1 img_0075-1 img_0078 img_0091-1 img_0095 img_0104-1 img_0106