Animation

Daawo: Wafdi Balaaran oo ka socda Jubbaland,Dowlada Federaalka iyo K/Galbed oo Booqasho ku tagay Xeryaha…..

no responses
Monday November 21, 2016 - 7:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi Balaaran oo Isugu Jira Xubno ka socda Dowlada Federaalka Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxa ay Booqasho ku tageen Xeryaha Qaxootiga ee Dha-dhaab Kenya.

Wafdigaan waxaa qayb ka ahaa guddoomiyaha gudiga qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed Axmed Saahir Nuur, wasirka arimaha gudaha Jubbaland Maxamed Darwiish,wasiirka arimaha haweenka Jubbaland Qamar Deeq khalif waxaa dhanka kale weftigan qayb ka ahaa labo sargaal oo ka tirsan hayada UNHCR xafiskeeda Soomaaliya.

Wefdigaan ayaa kulan kula qatay xafiska hay’ada UNHCR xerada qaxootiga ee Xagardheer gudoomiyaasha xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Ugu horeyn wasiirka arimaha gudaha jubbaland Maxamed Darwish ayaa la hadlay gudiga qaxootiga wuxuuna sheegay in sababta ay u hakiyeen qaxootiga ay tahay in ay doonayaan xuquuq ay helaan dadka soo laabanaya.

Axmed Daahir Gudoomiyaha gudiga qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed oo isna la hadlay gudiga qaxootiga ayaa yira cid kasta oo Soomaaliyeed oo dooneysa Soomaaliya in ay ku soo noqoto waa u xor cid laga hor istaago ma jirto dowladoodana way gacan qabaneysaa, waxuu intaas ku daray in gudiga uu gudoomiyaha u yahay ay wadan dadaal dheer oo ay wax ugu qabanayaan qaxootiga soomaaliyeed.

Dhanka kale qaar ka mid ah qaxootiga ayaa u mahadceliyay masuuliyyinta dowlada iyagoo yira waan ugu mahadcelinaynaa Gudoomiyaha gudiga qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed sida uu u garab taaganyahay qaxootiga soomaaliyeed.

Safiirka dowlada Soomaaliya ee kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo Qunsul Cali Sheekh Maxamed(Cali bagadi)waxay markasta noo keenan ayey yiraahdeen.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

20161121_153858 20161121_153901 20161121_153903 img-20161121-wa0002 img-20161121-wa0003 img-20161121-wa0004