Somali News Top News

Daawo: Wadooyinka Muqdisho oo dhufeesyo waaweyn laga qoday iyo Shacabka oo Wal wal cusub soo food saartay

Ammaanka magaalada muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo doorashada madaxweynaha ay ka harsantahay hal maalin oo qura.

Wadooyinka muqdisho qaarkood ayaa hada la sii xiray oo cara tuur la dhigay iyo dhagxaan waaweyn waxaana si rasmi ah wadooyinka iyo isku socodka dadka muqdisho uu u xirmi doono wixii ka dambeeya maqribka .

Guddoomiyaha gobolka banaadir ayaa shalay ku dhawaaqay in mudo 2 maalmood muqdisho aysan ka jiri doonin wax dhaq dhaqaaq dad iyo gaadiid toona ilaa ay ka dhamaato doorashada madaxweynaha.

Dadka muqdisho ayaa hada usii diyaar garoobaya bandowgaan uu maamulka soo rogay waxaadna arkeysa dad badan oo xetaa maanta sii gadanaya adeega iyo qudaarta ay cuni lahaayeen labada maalmood ee soo socota oo muqdisho ay xidhantahay.

Wadooyinka waxaa maanta lagu xiray caro tuur waaweyn oo lagu mataaneeyay dhagxaan shub ah waxaana taasi loola jeeda in xeta wadooyinka xaafadaha aysan isticmaalin baabuurta si gaar ah mootdada loo yaqaan bajaaj ama dhug dhugley.

8 Bishaan oo ku beegan maalinta arbacada ayey doorashada dhici doontaa waana maalinta ugu dambeysa ee lagu kala bixi doono doorashadii mudada soo socotay dadkuna waxa ay sugaya natiijada kasoo bixi doonta doorashada madaxweynaha iyo cida si rasmi ah u noqon doonta madaxweynaha soomaliya afarta sano ee soo socota hadii alle uu ka raali noqdo.

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa qaar kamid ah wadooyinka muqdisho oo cara tuur iyo dhagxaan la dhigay.

Related posts

REER CABUDWAAQ WAA GEESIYAAL GARASHO IYO DULQAAD LEH.

admin

Dhageyso:Faysal Cali Waraabe Oo Si Jees jees ah uga Hadlay Xayiraadii Sheekh Shariif Ee Kismaayo.

admin

Sawirro: Haween ka shaqeeya Nadaafadda Gobolka Banaadir oo Sun Halis ah lagu buufiyay

admin