Animation

DAAWO VIDEO+ SAWIRO DHEERAAD AH: Weerarka Paris, dhimashada oo gaartay 150 ruux

no responses
Saturday November 14, 2015 - 8:40 under Breaking News by admin
mqdefault

Magaalada Paris ee Xarunta Dalka Farance waxaa xalay ka dhacay weerar xooggan oo qaraxyo u badnaa kuwaasoo ay geysteen rag naftood hurayaal ah.

Weerarkaan waxaa lala eegtay tiyaatar lagu caweynayay iyo garoonka xulka Qaranka Faransa oo xalay la ciyaarayay xulka Germany xili uu waliba daawanayay Madaxweynaha Faransiiska.

Dhimashada ayaa mareysa 150 ruux marka la eego wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxay Magaalada Paris gaar ahaan goobaha la weeraray.

Maxaa ka dhacay garoonka Sawirada ayaad ka arki kartaa rafaadka ka dhacay garoonka ciyaaraha , waxaa cajiib ah in dadkii daawanayay  inay gudaha garoonka buux dhaafiyeen markii ay isku aamini waayeen kuraasta laga daawado iyadoo dadka qaarkiisa rasaasta kaga gabanayeen meesha ay fadhiiistaan ciyaartoyda.

Weerarka qaraxyada waxaa bar bar socday mid toos ah oo u dhexeeyay raga weerarka soo qaaday iyo ciidamada ilaalinayay garoonka iyo kuwii u soo gurmaday.

Dowlada Faransa ayaa in ka badan 10 kun askarta Milataarka waxay degdeg ku geeyeen xuduudaha dalkaasi la leeyahay dalalka kale si loo fuliyo amarka madaxweynaha Faransa oo ahaa in dalku galay xaalad degdeg ah islamarkaana la xiro xuduudaha.

KISMAAYO24.COM

ABDI KAFI ABDI ABDULLE

pp

p p1 p2 p3 p4 p5 p6 p7 p8 p9 p10 p11 p12 p13 p14 p15 p16 p17 p18

PARIS: Breaking: Reports of shooting at restaurant in central Paris

p21 p22 p23 p24 p25 p26 p27 p28 p29 p30 p120