Animation

Daawo Ugaaska Beesha Sade oo Maamulka Galmudug ku edeyay in u faraha kula jiro Shaqadii Gudiga doorashada…

no responses
Thursday October 27, 2016 - 4:54 under Breaking News by admin
mqdefault

Ugaaska Beesha Sade ahna Saxiixe ka mid ah 136 oday Ugaas Axmed Barre Cali Takooy oo manta Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Cadaado ee Xarunta kmg ah ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu shirkiisaas Edeyn ugu soo jeediyay Maamulka Galmudug iyo Gudiga Doorashada Galmudug.

Ugaaska mar u ka hadlayay arinakas ayaa waxaa u sheegay in maamulka Galmudug uu faragalin qawaan ku hayo doorashada Aqalka hoose ee barlamanka qaybtiisa ka dhacaysa Magaalada cadaado.

Ugaaska ayaa waxaa uu intaasi ku daray in gudiga doorashada Galmudug uu yahay gudi Aqontooda Maadi iyo midooda dhaqanba ay liidato islamarkana aan ka madaxbananayn Masuliyiinta Galmudug.

Ugaaska oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in shaqsiyaadka laga dhigay Gudiga doorashada heer Maamul Goboleed ee Galmudug in aysan Istahilin isla markana aan lagu amini kariin xilka ay hayaan.

Ugaaska ayaa Gudigaani ku edeyay Tacadiyo ay u gaysteen oo ay ka mid tahay in ay saxdex jeer ka celiyeen Xarunta Gudiga Doorashada iyo ayago diiday in ay Ugaaska ka qabtaan ergoyinka u soo gudbiyay.

Dhanka kale Ugaaska ayaa sheegay in Gudiga Doorashada Heer Maamul Goboleed aysan ahayn gudi ka madax banan Maamulka Galmudug asagona intaasi ku daray in aysan ku shaqeyn Awaamirta Gudiga doorashada Qaranka.

Sido kale Ugaaska ayaa Gudiga Doorashada Heer Maamul Goboleed iyo Maamulka Galmudugba ku edeyay in ay hoy u noqdeen Musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Ugu danbeyn Ugaaska Ayaa ugu baqay Madaxweyne Somalia, Raisalwasaaraha Somalia, Gudomiyaha Barlamanka Somalia Gudomiyaha Gudiga Doorashoyinka Qaranka iyo Gudomiyaha Gudiga Khilaafaadka in ay si dag dag ah ku soo faragaliyaan arinkaan