Animation

Daawo: Ugaas Xasan oo Afka Furtay Isagoona Si Cad u Beeniyay War uu Shalay warbaahinta Siiyay Madaxweynaha Hirshabeele…

no responses
Saturday October 22, 2016 - 1:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa  Goordhaw Shir jaraa’id ku qabtay Hooyga uu ka degan yahay magaalada Beledweyn Isagoona Si Cad u sheegay in uusan ka qeyb gali doonin Caleema saarka Madaxweynaha Hirshabeele.

Ugaaska wuxuu sheegay in Jowhar uusan Marnaba tagi doonin Maadama uusan Aqoonsaneen Maamulka Cusub ee Hirshabeele.

Mar uu ka hadlaayay Kulankii shalay uu la qaatay madaxweynaha Hirshabeele ayuu Yiri” “War qabiil ma noqon karo siyaasad’,Cid kasta oo Soomaali ah ha ogaato qodobkaas.Warkii qabiil hadii loo rogay Hirshabeele iyo magacyadii cusbaa, anigu Hirshabeele kuma jiro’.

Sidoo kale Ugaaska oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay ‘” Maanta Heer waxaa la gaaray anigoo Baladweyne dhex taagan oo Hoteel Hiiraan dhex taagan in la iyiraahdo Ugaas Xasan Ugaas wuxuu kasoo dagay Jowhar’Wuxuu ka soo dagay Xamar. Aduunyada waxaan u sheegayaa inaan Baladweyne dhinac uga bixin; inaanan Jowhar u socon”.

Dhinaca kale Ugaaska wuxuu ka hadlay Soo Xulista Xildhibaanada Aqalka sare iyo Tirada ay hiiraan ku leedahay isagoona dhahay  ” ‘Waxaa naloo diiday inaan gobolkeena ku xulano xaquuqdeena iyo xildhibaanadii aan lahayn. Aduunyadu ha ogaato. Ilaa hada ma hayno; nalooma sheegin tirada aan ku leenahay golaha sare. Waxaan horay ugu sheegnay QM in maadaama 8dii gobol aan gobol ka nahay inaan helno qismi la siman ama tiro la siman wixii ay qaataan goboladu. Waxaan joognaa in la yiraahdo Hiiraana 4 ayuu leeyahay, Jowharna 4 ayuu leeyahay’.

‘Ninkii reer Hiiraan ah oo ku qanacsan inuu Jowhar la mid noqdo adoo 60kii markii xornimada la qaadanaayay gobol ahaa, Jowhar degmuu ahaa. Waxaa waaye marka ummada kunool Hiiraan ma ku qanci kartaa 4 xubnood Jowhar, afar xubnoodna Balad Hiiraan? Waa waxaan suurta gal ahayn. Waa waxaan caddaalad u dhaweyn”. Ayuu ugaasku yiri.

Ugaaska Hadalkiisa ayaa waxa uu jawaab Cad u yahay War shalay uu warbaahinta u sheegay Madaxweynaha Hirshabeele Cali C/llahi Cosoble oo ku aadana in Ugaas Xasan ay ka wada hadleen Mamulka Cusub ee Hirshabeele Islamarkaana uu taageraayo Maamulkaasi hadii wax qabad ay la yimaadan oo Xuquuqda ka maqan Reer Hiiraan ay Meel soo saaran.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif: