Daawo: Tuug dadka ku dhici jiray Alwaax loo ekeesiiyay Qoriga AK-47 oo Xalay gacanta lagu soo dhigay

no responses
Saturday January 13, 2018 - 9:15 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Maamulka Degmada Kaaraan ayaa Xalay gacanta ku soo dhigay Wiil, kaasi oo si Tuuganimo ah Shacabka ka dhaca Mobile-lada iyo Lacagaha ay sitaanba.

 

Tuuggaan ayaa nafta u keenay dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha kala duwan ee dagmada kaaraan isagoona xiliyada habeenkii ah dadka ka qaadan jiray mobileda gacanta ah.

 

Ninkaan ayaa dadka ku dhici jiray alwaax laga sameeyay qoriga Ak-47 isagoona dadka ku cabsi galin jiray in uu dilaayo ama ay iska dhiigaan mobileda iyo waxyaabaha kale ee markaas ay gacanta ku heystaan.

 

Guddoomiyaha Degmada Kaaran Abdulfatah Nuur Cali oo ka hadlay goobtii lagu soo bandhigay Wiilkaasi Tuugga ah iyo waxyaabaha uu Dadka ku dhici jiray, ayaa sheegay in ay Ciidamada Ammaanka ee Degmada ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo Wiilkaasi oo Dadweynuhu ay khaati ka joogeen, isagoo intaasi raaciyay in loo gudbin doono Hey’adaha ku shaqada leh Dacwadiisa.

 

Facebook Comments