Animation

Daawo: Taliyaha Ciidamada Amisom Gen Subagle oo Booqasho Qarsoodi ah ku tagay saldhigyada Ciidamada kenya ay ku leeyihiin…..

no responses
Saturday November 11, 2017 - 3:06 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) Cismaan Nuur Soubagleh ayaa Talaadadii soo gabgabeeyay booqasho saddex maalmood ah oo uu ku tagay ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee qeybta labaad ee fadhigiisu yahay Jubbaland.

Taliyaha Ciidanka ayaa booqday ciidamada ku sugan Dhoobley, Afmadow iyo Kismaayo isaga oo u mahadceliyay nafhurnimada iyo dadaalkooda ku aaddan sugidda ammaanka iyo xoreynta Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Amisom Genral Subagle ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqada wanaagsan ee ciidamada AMISOM ay haayaan oo ah naf hurnimada.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Afmadow, oo ah Xarunta Howlgalka Ciidamada ee Gobollada KDF, ayaa waxa uu taliyaha ka sheegay in shacabka afmadow ay garab taaganyihiin ciidamda.

“Waxaan u mahadcelinayaa dadka Afmadowow. Waxaad dooratay doorkaaga nabadda iyo amniga waxaadna sameyneysaa sida ugu fiican. Ciidamada AMISOM iyo ciidamada Jubbaland ayaa aad ugu mahadcelinaya waxtarkaada, waxayna ku faraxsan yihiin in ay kula shaqeeyaan, “ayuu yiri Gen. Soubagleh.

Intii booqashadu socotay, Taliyaha Ciidanku wuxuu calaamad saaray dhismaha si loogu maamuuso askarta KDF ee lagu diley intii ay ku dagaalameen AMISOM ee Soomaaliya sidoo kale waxaa abaal marino uu guddoonsiiyay oo dalacsiin ah ciidamada.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.