Daawo: Taliska Xoogga Dalka oo Fulinaya Amarka Madaxweyne Farmaajo ayaa Is beddel ku sameeyay Saraakiisha Xooga Dalka

0

Taliska Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa isku shaandhayn ku sameeyay hoggaanka Ciidanka qalabka sida, taasoo ay soo dadajisay joogitaanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo ee xarunta wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh oo shir jaraa’id ku qabtay Shalay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka war bixiyay Is beddelka lagu sameeyay Ciidanka Xoogga, wuxuuna sheegay in hoggaanka oo markii hore ka koobnaa 23 xubnood haatan lagu soo koobay 13, iyadoo lagu soo biiriyay Saraakiil Dhallinyaro ah oo Shantii Sana ee ugu dambeysay wax barasho ugu maqnaa dibedda.

Mudane; Mursal ayaa sheegay inuu tababar usoo xiray Madaxweynaha Dalka 600 Askari oo ka mid ah Ciidamada qalabka sida, wuxuuna intaa ku daray inay tababarro u soo xireen Cutubyo ka tirsan Danab, kuwaasoo loogu tala galay inay ka qayb qaataan howl-gallada cusub ee ka dhanka ah cadawga Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu diyaar garoowgu ka duwan yahaykii hore.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu Madaxweynuhu ammar ku bixiyay in Ciidamada loo diraya Howl-gallada loo dhammaystiro wax kasta oo ay u baahan yihiin, sida Isbitaallo guur-guura, Dawo iyo Dhaqaatiir khibrad u leh inay si deg-deg ah u fuliyaan howlaha Caafimaad ee loo baahdo sida Daweynta iyo Qalliinnada.

Dhanka kale Madaxweynaha Dalka oo ay wehliyaan, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen; C/laahi Cali Caanood ayaa kormeer ku tagay mid ka mid ah goobaha Raashiinka loogu kariyo Ciidanka si uu u hibiyo tayada Cuntada loo sameeyo, wuxuuna sidoo kale u kuurgalay qaybta diiwaan gelinta Ciidanka oo uu xilligaasi ka jiray mashquul badan.