Animation

Daawo: Soomaliya oo Wafdi heer sare ah u dirtay Shir Caalami ah oo ka dhacaayay Wadanka…..

no responses
Saturday February 11, 2017 - 11:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Shirweynihii labaad ee Guddiyada Madaxa banaan ee Doorashooyinka dallaka Jaamacadda Carabta oo muddo saddex maalmood ah kasocday Magaalada Tuunis ee Caasimadda Wadanka Tunissia ayaa lasoo gaba gabeeyay, waxaana shirkaasi Soomaaliya ku matalayay Xubno katirsan Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hogaamineysay Gudoomiyaha Guddiga Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey)

Shirka ayaa intii uu soscday si weyn looga dooday ilaalinta hufnaanta howlaha Guddiyada Doorashooyinka iyo inay ka madax banaanadaan hay’adaha fulinta ee dowladaha, iyadoo laga fogaanayo musuq maasuqa, waxaana sidookale halkaasi lagu doortay Gudoomiyaha Midowga guddiyada madaxa banaan ee  Doorashooyinka Jaamacadda Carabta.

Xubnaha Guddiga  Madaxa banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa u sheegay ka qeybgalayaasha Shirka  in Guddigan uu ku dhisan yahay sharciyad dhameystiran islamarkaana ay ka shaqeynayaan in Somaaliya ay gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) Gudoomiyaha Guddiga  Madaxa banaan ee Doorashooyinka Somaaliya ayaa shirka ka sheegtay in Somaaliya ay hada kasoo kabaneyso dagaaladii sokeeye islamarkaana cagta saartay wadadii dowladnimada taasina ay tusaale u tahay sida ay usoo gaba gaboobeen howlhihii Doorashada ee in  muddo ah soo socday oo ugu damabeyn lagu doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana musharixiintii kale ay aqbaleen natiijada Doorashada.

Guddiyada madaxa banaan ee Doorashooyinka wadamada Jaamacadda Carabta ayaa sanadkii hore sameystay dallad ay ku mideysan yihiin si loo xoojiyo Madax banaanida iyo hufnaanta howlaha guddiyadaasi, waxaana midowgaasi xubin ka ah Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Halkaan ka daawo sawirrada

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.