Arimaha Bulshada Somali News Top News

Daawo: Soomaaliya oo Markii ugu horeysay ka qeyb-gashay Shirka Wadamada Batroolka Caalamka.

Shirka wadamada hodanka ku ah Shidalka ee Dunida ayaa dhawaan ka dhacay Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga, waxaan Soomaaliya ay kamid noqotay wadamidii lagu casuumay Kulankaas Markii ugu horeysay tan iyo burburkii Dowladdi dhexe kadib.

Kulankani oo lagu Magacaabo ” World Petrolium Congress” ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdulqaadir “Hilaal”.

Wasiirka ayaa kulanka ka jeediyey Khudbad Muhiimad gooniyaad leh oo taabatay Quluubta kasoo qeybgalayaasha kulanka, isagoo cadeeyey sida dalkeena Soomaaliya uu hodan ugu yahya Kheyraadka, isla mar ahaantaane ay muhiim tahay in dowladda laga garab siiyo sidii shidaalka iyo kheyraadka dalkeeda ceegaaga ay ula soo bixi laheyd.

Madaxdii kulanka kasoo qeybgashay oo ay kamid ahaayeen, -Rex Tillerson, Xoghaya Maraykanka, Madaxwaynaha Serbia, Madaxwaynaha World Petroleum Council, Madaxwaynaha Albaaniya, Madaxwaynaha Azerbaijan iyo Wasiirada  Kheyradka dhabiciga ah iyo midka arimaha dibada ee Turkiga Kuwaas oo dhamaantood si isku mid ah hoosta uga xariiqay Muhiimadda uu shirkani u leeyahay Wax soosaarka Dabiicigfa ah ee dalalka qaar ay hodanka ku yihiin.

Kulanka oo ku dhamaday is afgarad laga gaaray dhamaan qodabadii laga wada hadlay, ayaa Wasiir kuxigeenka Macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya wuxuu dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho.

Related posts

TOP NEWS: Safiirka Turkiga u Fadhiya Soomaliya oo Bahdilaad aan Caadi aheyn kula Kacay Maamulka Isku Magacaabay Soomalialnd.

Tifaftiraha K24

Daawo: Qaabka ay ciidamada milatariga maanta ula wareegeen qeybo kamid ah magaalada muqdisho

Tifaftiraha K24

XOG: Turkiga Oo Kumanaan Askari Keenaya Muqdisho Iyo Qorshe Soomaalida Qanciya Oo Laga Leeyahay

admin