Animation

Daawo: Siyaasiyiin Masuuliyiinta Jubbaland iyo Shacabka oo aan u kala Harin soo Dhaweynta Mushararax Madaxweyne oo Dhawaan Kismaayo soo gaaray

no responses
Saturday November 19, 2016 - 9:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Maamulka Jubbaland waxaa Dhawaan gaaray Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame.

Musharaxa waxaa si diiran Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Galkacyo ugu soo dhaweeyay G/kuxiggeenka 1aad ee Baarlamaanka Jubaland, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubaland Darwiish, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Jubaland, fanaaniin, iyo qaybaha bulshada Kismaayo.

Musharaxa ayaa Garoonka Kismaayo qaybta VIP-da kula hadlay bulshada, waxaana uu ka warbixiyay socdaalkiisa Kismaayo, isagoo xusay in Kismaayo ay tahay magaalada labaad ee xadunta u ah ee Soomaaliya. Loona baahanyahay in Soomaali oo dhami ay kulmiso.

Murashax Madaxwayne Cali Xaaji ayaa kaddib waxaa uu loo soo galbiyay Aqalka Martida ee Jubaland. Halkaasi oo uu kulan kula qaatay madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)

Maalmaha Soosocda ayaa lagu wadaa in Cali Xaaji Warsame oo si rasmi ah Kismaayo uga dhawaaqo Musharaxnimadiisa. Halkaasina kusoo gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.

Halkaan Hoose ka Daawo Muuqaalka+Sawirrada Soo Dhaweynta Musharax Cali Xaaji ee Magaalada Kismaayo:

 

00-768x576 0-768x576 01-768x576 1-1 02-768x576 2-2 03-768x576 3-1 04 05 06-768x576 07-768x576 8-768x576 9-768x576 11-768x576 12-768x576 13-768x576 14-768x576 17-768x576 18 18-768x576 23-768x576