Somali News

DAAWO: Siyaasiyiin Caan ka ah Somalia Oo War Kaso Saaray Khilaafka Culus ee Kenya & Somalia

Siyaasiyiinta xilalka hayo iyo kuwa horay uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray ee ku nool magaalada muqdisho ayaa siyaabo kala duwan waxa ay uga hadleen go’aankii kasoo baxay Dowladda Kenya oo ay xiriirka Diblumaasiyadeed ugu jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kenya ayaa u yeertay safiirkeeda kajooga Soomaaliya soona erisay Safiirkii Soomaaliya ee dalkaas,waxaana ay ku sababeysay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xad gudubtay xaduud badeedkeeda,isla markaana ay suuq geysay qeyb ka mid ah badeeda si shidaal looga baaro.

Sidoo kale Qaar ka mid ah Shacabka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in Dowladda Kenya Go’aanka ay gaartay uu yahay midiyada kaliya dhibaatou keenaya,balse Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka wax saameyn ah ku yeelan doonin.

Maadaama xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa xilligaan Soomaaliya iyo Kenya ay salka ku heyso muran badeedka ayaa dadka qaarkood waxa ay qabaan in Soomaaliya ay joojiso suuqgeynta shidaalka,sidoo kalena dacwada dhinaca badda ah ee u dhaxeysa labada dowladood ay ku kala baxaan Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Related posts

WAR HADDA AH: R/wasaare kuxigeen maalin cad lagu toogtay Dalka……………………………………

Tifaftiraha K24

Maamulka gobolka Banaadir oo faah faahiyay qarax ka dhacay Muqdisho

admin

TOP NEWS: Dhageyso Maxaa ka jira in Dadkii ku dhintay Dalka Zambia aysan Soomali aheyn iyo dadkii Cisbitaalka Booqday oo ka waramaya waxa ay so arkeen…..

Tifaftiraha K24