Animation

Daawo: Sidee muqdisho loogu soo dhaweeyay haweeneydii ugu horeysay ee duuliye ka noqotay soomalia sanadkii 1976-dii?

no responses
Thursday July 20, 2017 - 11:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Asli Xasan Nuur  Cabaade waa mid ka mid ah mawaadiniin taariikhda Soomaaliya ka dhex muuqda, had iyo jeerna lagu xasuusto in astaan ku dayasho mudan ay u tahay qaranka,markii ugu horeysay muddo kadib  maanta ayay ku soo laabatay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaana si diiran u soo dhaweeyay haweenka qaranka iyo mas,uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya .

Waa gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed  oo diyaarad duulisay waxaana ay xubin fir fircoon ka ahayd duuliyaashii ciidanka cirka Soomaaliya bur burkii Dowladdii militariga ka dibna Asli waxay ololeeye u ahayd nabad iyo isu keenida bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha haweenka Qaranka Soomaaliyeed marwo Batuulo Axmed Gabale ayaa ka hadashay soo dhaweynta ay maanta u sameeyeen Asli Cabaade .

“runtii farxad ayay inoo tahay in aan manta kugu soo dhaweyno magaalad Muqdisho ku soo dhawoow dhulkaaga hooyo, waa qof taariikh, magic iyo maamuus ku leh Soomaaliya, waxayna ka mid tahay gabdhaha aan ku faano.

Asli Xasan Nuur ayaa dareenkeeda la wadaagtay dadweynihii ka qeyb qaatay soo dhaweynteeda.

“ Waad mahadsantihiin sida wanaagsan oo aad ii soo dhaweyseen waana ku faraxsanahay in aan manta ku soo laabto dhulkeyga hooyo, dhamaantiina waan idinkaga mahadcelinayaa”sidaasi waxaa tiri Asli Xasan Nuur.

Sagaalkii Bishii September  1976 kii ayaa Asli Xasan Nuur kicisay Diyaaraddii ugu horreysay oo nuuceedu ahaa sasna 150 in ay duuliye noqotana waxaa ay u gashay dadaal aad u balaaran.