Animation

Daawo: Sidee madaxweyne farmaajo loogu soo dhaweeyay dalka jabuuti?

no responses
Tuesday May 23, 2017 - 3:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha jamhuuriyadda soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada jabuuti ee dalka jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha iyadoona madaxweyne ismaaciil cumar geelle uu kusoo dhaweeyay garoonka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa loo galbiyay aqalka martida dalka jabuuti waxaana uu halkaasi kulan kula qaatay dhiggiisa dalka aanu walaalaha nahay ee jabuuti.

Madaxweyne farmaajo iyo madaxweyne geelle ayaa waxa ay ka wada hadlayan xiriirka labada dal iyo sidii jabuuti u laba jibaari laheyd taageerada ay soomalia ka siiso la dagaalanka alshabaab.