Animation

Daawo: Sidee farmaajo loogu soo dhaweeyay magaalada doha ee dalka qadar kadib casuumaad uu boqorka dalkaasi ka helay

no responses
Thursday May 25, 2017 - 8:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Caawa si balaadhan loogu soo dhoweeyay Magaalada Doha ee Dalka Qadar, Kadib Casuumad Rasmiya oo uu ka helay Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma sidii Dowladda Soomaaliya ay taageero Amni iyo mid Dhaqaale uga heli lahayd Dalalka ay saaxiibada yihiin, waxaana la filayaa in maalinta Berri ah uu kulamo la qaataan Boqorka dalka Qadar iyo Mas’uulyiin kala duwan.

Madaxweynaha  waxaa Safarkiisa  ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxay iyagana la kulmi doonaan wasirrada dhiggooda ah.

Dhinaca kale Madaxwyane Farmaajo ayaa lagu Wadaa inuu Habeen danbe hadii alle idmo Kulan balaadhan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar.

Facebook Comments