Somali News Top News

Daawo: Wafdi Balaaran oo Galmudug ka socda oo Nairobi lagu so dhaweeyay+Yaa horkacaayo wafdiga iyo Ujeedka Socdaalkooda

Munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweynayay wafdi uu horkacayay gudoomiyaha baarlamanka Dowlad gobaledka Galmudug mudane Cali Gacal casir oo howlo shaqo u jooga  Kenya, ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi.

Xaflada Soo dhawaynta ayaa waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyada Soomaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, waxaana ka qayb galay Siyaasiyiin Aqoonyahano ururada haweenka, dhalinyarada iyo xubno kale oo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada kasoo jeeda deeganada Galmudug ee ku dhaqan magalada Nairobi.

Farxiyo Cabdulahi sheekh doon oo ka tirsan  baarlamanka Galmudug oo ka mid ahayd xubnihii munasabada ka hadlay ayaa waxa ay sheegtay in deeganada Galmudug ay xiligan nabad yihiin isla markaana loo baahan yahay in loo midoobi hormarinta deeganada Galmudug.

Gudomiyaha Baarlamanka  Galmudug Cali Gacal Casir oo gaba gabadii munasabada qudbad dheer ka jeediyay ayaa waxa uu ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay galmudug isagoona ugu baaqay jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan kenya inay garab istaagaan dowlad gobaleedka Galmudug.

1 2 IMG_9466 IMG_9492 IMG_9498 IMG_9502 IMG_9508 IMG_9511 IMG_9576 3IMG_9534

Related posts

War hada: Maxaadan ogeyn oo saakay laga soo sheegaya qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho???

Tifaftiraha K24

Galgaduud and Mudug Reconciliation Conference Communique

admin

Ganacsiga suuqa ugu weyn soomalia ee bakaaraha oo saakay dib u xirmay ( Ogoow Sababta?)

admin

1 comment

Comments are closed.