Somali News Top News

Daawo: Sida loo Boobaayo Goobaha Ganacsiga ay Soomalida ku leeyihiin Dalka Koonfur Afrika iyo Ciidamada oo ka qeyb qaatay Dhaca loo geysanaayo Ganacsatada Soomaaliyeed

Dalka Koofur Afrika waxaa ka soconaya Rabshado ka dhashay isku dhac dhexmaray Xisbiga Talada haya ee ANC,kadib markii ay isku qabsadeen Qofka noqoanay Musharraxa ANC ku matali doona Duqa Magaalada Pretoria ee Caasimadda Koofur Afrika.

Rabshadahaas waxaa ay horseedeen in la boobo Ganacsiga Dadka Ajanabiga ah ee koofur Afrika ku nool,waxaana ka mid ah Soomaali badan oo ganacsigoodii la boobay.

Wararka ayaa sheegaya in boobkan uu bilowday markii banaanbax cabasho ah ay dhigeen dad shacab ah kaasoo markii dambe isu rogay rabshado sababay in la boobo dukaamo fara badan oo ay lahaayeen ganacsato ka soo kala jeeda Soomaali iyo dalal kale.

Ganacsatada qaar ayaa isku dayay in ay Rabshadaha kala baxsadaan Ganacsigooda,waxaase ku tagay Dadkii careysnaa oo Waddooyinka Taayerro ku gubayay sidoo kalena marna boobayay Ganacsiga Ajanabiga marna Gubayay.

Qaar ka mid ah ganacsatadii laheyd dukaamada la boobay ayaa la garaacay, halka kuwo kalena ay lafahooda la baxsadeen markii ay arkeen boqolaal shacab ah oo ku soo jabay dukaamadooda.

Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika oo goobta soo gaaray ayaa halkii lag filayey iney ka hortagaan dadka rabshadaha sameynayey waxay ka qeyb qaateen boobka halkaas ka socday, waxaana la arkayey askar dareyska Booliska xiran oo gacanta ku wata waxyaabo ay ka soo qaateen dukaamada la boobay.

Ganacsatada Soomaalida ah ayaa ka mid ah Ajannabiga had iyo jeer lagu dhibaateeyo Koofur Afrika,kuwaa soo mararka qaar Boobka Hantidooda ay u dheertahay in la dilo ama la dhaawaco.

Warbaahinta Dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn u baahineysay rabshadaha ka socday Dalkaais iyadoona Muuqalada lasoo bandhigay ay Fadeexad weyn ku noqotay Ciidamada Booliska Dalkaaso oo ka qeyb qaadaanayay Boobka loo geysanaayay Goobaha Ganacsiga dlaka Koonfur Afrika.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawiradda

boob1 boob6 boob8 boob9 boob13 IMG-20160621-WA0004_resized IMG-20160621-WA0006_resized IMG-20160621-WA0008_resized IMG-20160621-WA0009_resized IMG-20160621-WA0010_resized IMG-20160621-WA0012_resized IMG-20160621-WA0013_resized IMG-20160621-WA0014_resized IMG-20160621-WA0016_resized IMG-20160621-WA0017_resized IMG-20160621-WA0018_resized IMG-20160621-WA0019_resized boob11 IMG-20160621-WA0015_resized IMG-20160621-WA0007_resized

Related posts

MD Dani Oo Hadal Cajiib Ka Hor Jeediyey Baarlamaanka Markii Wasiirada Uu Maanta Horgeeyey

Mohamed Abdirashid Abaajo

Daawo:Madaxweynaha Soomaaliya oo reer Puntland ku eedeeyay inuu ka waayay astaantii qaranka Soomaaliya

admin

Deni oo qaadacay sharciga doorashooyinka ee baarlamaanka horyaala

admin