Animation

Daawo: Shirweyne qaran oo dib u heshiisiin ah ayaa maanta muqdisho ka furmay yaase ka qeyb galaya??

no responses
Tuesday June 13, 2017 - 9:59 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furtay Shirweyne Qaran oo ah dib u heshiisiin.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed , waxaana looga hadlaya sida ugu wanaagsan ee xal looga gaari karo khilaafka u dhaxeeya Bulshadda Soomaaliyeed.

Waxaa Shirkaan horay u iclaamiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya , waxaana ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guulleed, Wasiirada maamul goboleedyadda u qaabilsan Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay doonayaan in lasoo Afjaro colaada saameynta ku yeelatay Bulshada Soomaaliyeed.