Somali News

Daawo : Shirkadda albayrak oo markii labaad deeq lacageed ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha qaran

Shirkadda albeyrak ee maamusha dekedda weyn ee magaalada muqdisho ayaa waxa ay maanta deeq lacageed ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha.

Deeqdaan lacageed oo gaareysa 50-kun oo dollar ayaa waxaa maanta ay masuuliyiinta shirkadda albayrak ku wareejiyeen guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha maxamad cumar carte.

Deeqdaan lacageed ayaa noqoneysaa tii labaad oo shirkadda maamusha dekedda muqdisho ay ugu deeqdo shacabka soomaliyeed ee abaartu ay saameynta weyn ku yeelatay.

Maamulaha shirkadda oo war kooban ka jeediyay munaasabadda ka dhacday xafiiska shirkadda ayaa waxa uu sheegay in albayrak ay marwaliba garab taagantahay dadka soomaliyeed ee abaartu ay la dagtay.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha guddiga abaaraha qaran ahna sii haaya xilka ra’isul wasaare ku xigeenka maxamad cumar carte ayaa shirkadda albayrak uga mahad celiyay deeqdaan ay maanta ku wareejisay.

Related posts

Dhagayso:- Wasaaradda Amniga oo ka hadashay Amarkii Alshabaab ku mamnuuceen Garoomada Kubadda Cagta

Ahmed sudani

Dhagayso:- TOP NEWS Maamulka Sare ee Ahlusunna " Waan Cambaraynayna Falkii Foosha xumaa ee Hoteel Maka Al- Mukarama

admin

DEG DEG: Weerar ismiidaamin ku bilowday oo saqdii dhexe caawa lagu qaaday Xerada Laanta Buuro

admin