Animation

Daawo Shir loga hadlayo Maalgalinta Somalia oo Garoowe ka dhacay….

no responses
Wednesday November 2, 2016 - 3:28 under Somali News by admin
mqdefault

Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland lagu qabtay kulan looga halday maalgashiga iyo mideynta bangiyada Soomaaliya, waxaana kulankaasi ka qeyb galay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, mas’uuliyiin ka socoto rugta ganacsiga soomaaliya iyo bangiga adduunka.

Kulanka ayaa intii uu socdey waxaa diiradda lagu saaray arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sida ugu fudud ee waddamada shisheeye iyo shirkadaha caalamiga ah ay u maal gashan lahaayeen Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa guud ahaan bangiyada ka hawl gala Soomaaliya isla markaana ay u yeelan lahayeen xiriir sahlaya in shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u wada adeegsan karaan guud ahaan bangiyada dalka.

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Puntland, Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kulankaani uu muhiim u yahay is dhexgalka Maamul Goboleedyada Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu tibaaxay in adeeggan maaliyadeed ee Soomaaliya uu wax weyn ka bedeli doono mustaqbalka dhaqaale ee soomaaliya iyo isu keenidda ganacsatada soomaaliya.

Ugu dambayntii Madaxweyne Kuxigeenka ayaa ku boorriyey masuuliyiintii ka soo qayb gashay kulankaan in muddada dhowrka berri ee uu socon doono kulanka lagu gorfaynayo nidaamka adeegga maaliyadeed ee Soomaaliya ay ka soo saaraan qodobbo dhaxal-gal u ah ummadda Soomaaliyeed isla markaana wax weyn ka beddeli kara adeegga maaliyadeed ee Dalka Soomaaliya.

img_1599

img_1621

img_1622

img_1624

img_1627

img_1641

img_1648

img_1652

img_1653

img_1663

img_1668

img_1675

img_1678

img_1681

img_1702

img_1706

img_1736

img_1740

img_1741

img_1743

img_1744

img_1779

img_1788

img_1793

img_1795

img_1811

img_1815

img_1823

img_1835

H