Animation

Daawo: Shiikh Shariif oo Si Rasmi ah isaga diiwaan galiyay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Waana Musharixii ugu horeeyay oo….

no responses
Thursday January 26, 2017 - 8:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Musharax Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmad ayaa Maanta si Rasmi ah iska diiwaan Galiyay Guddiga Doorashada Madaxweynaha waxaana shariifka uu dhameystiray Sharuudihii diiwaan galinta Musharixiinta Madaxweyne.

Guddiga Doorashada oo Xaruntoodan ay tahay Villa Hargeysa ayaa waxaa ay shalay soo saareen Jadwalka Doorashada iyo waqtiyada ay dhaceyso iyo xiliga diiwaan galinta ay bilaabaneyso.

Waxaana Guddiga Madax looga dhigay Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle iyadoona Musharixiinta ay bilaabeen in ay is diiwaan galiyaan.

Musharax Shariif Shiikh Axmad ayaana saakay kasoo muuqday Xafiiska Diiwaan galinta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaliya.

” Waxaan u tagay guddiga doorashada madaxweynaha aniga oo si rasmi ah isku soo diiwaan galiyay saaka inaan ahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha dalka 2017″ ayuu yiri Shiikh Shariif.

Doorashada Madaxweynaha ayaa waxa ay dhici doonta 8 Bisha Feberaayo iyadoona inta ka horeyso ay Musharixiinta sameyn doonan Ol’olahooda ugu dambeeyo iyo Hadal jeedintooda ku aadan Waxa ay qaban doonan Hadii la doorto.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada