Animation

Daawo: Shiikh shariif iyo Maxamad Cumar carte oo isla gartay qodobo muhiim ah oo ku saabsan taageerada xildhibaanada gobolada wuqooyi

no responses
Saturday February 4, 2017 - 4:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Musharax madaxweyne shiikh shariif shiikh axmad ayaa waxa uu maanta hooygiisa kula kulmay ra’isul wasaare ku xigeen ahna xildhibaan baarlamaanka ka tirsan maxamad cumar carte.

Kulanka waxa uu ka dhacay guriga maxamad carte waxaana labada masuul ay ka wada hadleen arimo doorashada la xiriira.

Musharax shariif waxa uu ka mid yahay musharixiinta madaxweyne ee ugu cad cad doorashada madaxweynaha soomaliya.

Ra’isul wasaare ku xigeen maxamad cumar carte ayaa sheegay in musharaxa ay ka wada hadleen arimaha doorashooyinka.

” Waxa aan hoygeeyga ku qaabilay Madaxweynihii hore ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa aan kawada hadalnay doorashooyinka dalka iyo mustaqbalka Soomaaliya” .

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Kulanka labada masuul