Animation

Daawo: Shariif Sakiin iyo Cumar C/Rashiid oo Baydhabo ku Diyaarinaya Siriqdii loo dhigi Lahaa Xasan Shiikh

2 responses
Saturday November 19, 2016 - 10:52 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Baydhabo Maanta Galinkii Dambe waxaa Gaaray Wafdi uu Horkacaayo Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/Rashiid.

Raisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxa ay Kulan kula qaateen Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud ee Magaalada baydhabo Masuuliyiinta K/Galbeed oo uu ugu Horeeyo Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Kulanka Labada masuul oo aan si dhab ah loo ogaan Karin ayaa Hadana warar Hoose oo Jubaland24 ay Heleyso waxa ay sheegayan in Labada Masuul ay si qoto dheer uga wada Hadleen Arimaha doorashooyinka iyo Kaambynka ay ugu jiraan Doorashada Madaxtinimada Soomaliya.

Shariif Xasan iyo Cumar C/Rashiid waxa ay ka mid yihiin Musharixiin dhawaaan la sheegay in ay Tartan adag la gali doonan Madaxweyne Xasan Shiikh waxaana Musharixiintaan wata oo Maalgalineysa Imaaraadka Carabta.

Halkaan Hoose ka Daawo Kulanka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud ee Baydhabo

20161120_005526 20161120_005546 20161120_005609 20161120_005626 20161120_005648 20161120_005701 20161120_005716