Animation

Daawo Sawirro: Waxbadan ka Ogoow Sababta uu Faarax Shirdoon Shaacid u yimid Muqdisho Maxaase ka jira in uu doonaayo….??

no responses
Wednesday February 1, 2017 - 2:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta  dalka dib ugu soo laabtay iyadoo ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, Wasiiro, Xildhibaano ka kooban labada aqal, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo dadweyne kale.

Shirdoon saacid waxaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada aqal ,wasiiro iyo guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho.

Ra’isul wasaarihii hore ee soomaliya ayaa ugu horeyn waxaa uu mahad balaaran u jeediyay dhamaan dadkii ka qeyb galay soo dhaweyntiisa muqdisho waxaana marka xigta uu soo hadal qaaday abaaraha xoogan ee ka jira gobolada dalka.

Saacid wuxuu ugu baaqay umadda soomaliyeed ee ilaahey hantida siiyay in ay u gar gaaraan walaalahooda gaajeesan iasoo sidoo kale beesha caalamka ka dalbaday in ay taageeraan dadka soomaliyeed ee saameynta ay ku yeelatay abaaraha .

Wuxuu soo hadal qaaday doorashooyinka la filaayo in todobaadka dambe ay ka dhacaan magaalada muqdisho taasi oo lagu dooran doono madaxweynaha jamhuuriyadda soomaliya afarta sano ee soo soctana dalkaan hogaamin doona.

“Waxaan ugu baaqayaa cid walba ee ay quseyso arrinta doorashadu in dalka sharafkiisa iyo wixii meel ku dhac ku noqon kara laga digtoonaado.  Soomaaliya maanta waxay u socotaa jid wanaagsan oo u baahan in lagu gaaro xasillooni Siyaasadeed” ayuu yiri Saacd.

Shirdoon ayaa ugu baaqay musharixiinta u hanqal taagata jagada madaxweynaha in ay xooga saaraan danta guud ee dalka iyagoona ka hormarinaya dantooda gaarka ah.

Warar kala gadisan ayaa waxa ay ka soo baxay Imaatinka shirdoon ee Muqdisho iyadoo warar hoose ay sheegayan in Shirdoon Ra’isul wasaare loo magacaabi doono hadii xilka uu markale ku guuleesto shiikh shariif Shiikh Axmad Inkasto warkaasi aan Xaqiiqo loo heyn.