Animation

Daawo Sawirro: Wadooyinka Ugu Muhiimsan Magaalada Muqdisho oo Maalintii Labaad Xiran iyo Shacabka oo Lugta Maalaya

no responses
Saturday September 10, 2016 - 7:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Muqdisho Waxaa Maalintii Labaad xiran Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada ku yaala.

Wadooyinka la xiray waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama ee isku xirta xarunta madaxtooyada iyo garoonka dayuuradaha oo aheyd mida ugu mashquulka badan caasimada.

Sidoo kale wadooyinka la xiray waxaa ka mid ah wadnaha, soddonka, wadada hormarta dekeda illaa iskoolo buluusiyo iyo meelo kale oo badan.

Jidadkan ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasoo dib u celinaya gaadiidka dadweynaha, waxaana jidadka loo ogol yahay oo kaliya dadka cagtooda maalaya ama lugeynaya.

Gaadiidka dadweynaha iyo mootooyinka bajaajka ayaa ayaaa isticmaalaya wadooyin qardo jeex ah oo ku yaala xaafadaha shacabku degan yihiin dhexdooda.

Talaabadan ayaa waxaa la sheegay iney gogolxaar u tahay soo dhoweynta wufuud caalami ah oo maalmo ka dib ku soo wajahan caasimada.

Madaxda todobada dal oo ku yaalla bariga iyo bartamaha Afrika ayaa ku soo wajahan Muqdisho kuwaasoo ka qeyb galaya shir madaxeedka urur goboleedka IGAD oo 26 sano ka dib markii ugu horeysay ay marti gelineyso Somalia.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Wadooyinka la xiray

lami1-300x180 lami2-300x180 lami3-300x180 lami4-300x180 lami5-300x180 lami6-300x180 lami-300x180