Daawo Sawirro: Ra’isul wasaaraha Xukuumadda oo hadda gaaray Magaalada Baraawe Sidee ayaase loogu soo dhaweeyay?

no responses
Wednesday November 15, 2017 - 11:02 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa goordhow gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Masuuliyiin kale

Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa si nabad ah ku tagay magaalada baraawe waxaana halkaasi uu u tagay u kuurgalidda xaaladdaha ciidamada iyo howlgallada la qorsheynaayo in ciidamada xoogga dalka ay qaadaan.

Ammaanka magaalada Baraawe ayaa siweyn loo adkeeyey, waxaana ku sugan magaaladaasi Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera.

Alshabaab ayaa daqiiqado ka hor inta aysan wafdiga ra’isul wasaaraha gaarin magaalada baraawe waxa ay madaafiic ku garaaceen nawaaxiga garoonka diyaaraddaha iyo qeybo kamid ah magaalada gudaheeda wax qasaaro ahna lama soo warin .

Facebook Comments