Daawo Sawirro: Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii zoobe ee loo qaaday Turkiga oo Maanta Muqdisho lagu soo celinaayo

0

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii zoobe ka dhacay 14-kii october 2017-kii ee loo qaaday dalka turkiga ayaa la filaya in maanta oo khamiis ah dib loogu soo celiyo caasimadda muqdisho iyagoo caafimaad qaba.

Safaaradda soomalia ee dalka turkiga ayaa magaalada ankara kasoo sagootisay bukaanada dhaawacyadooda lagu dabiibay turkiga iyadoona dowladda turkiga ay dedaal ku bixisay daaweynta iyo baxnaannada dadkii ku dhaawacmay musiibadii zoobe ee dalkeeda loo qaaday.

Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga ayaa isku xilqaantay sidii ay u lataacaali laheyd dhawacyadii qaraxii 14kii October oo saameyn wayn ku yeeshay dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo u ahyed maalin madow Khasaarihii uu geystay  qaraxaas, iyadoona deeq daawo iyo caafimaad iskugu jirta ugu deeqday dhamaan bukaanadii ku wax yeeloobay , una qaaday dhawacyadii liitay dalka Turkiga si ay u helaan deeq caafimaad.

Bukaanadan oo ka koobnaa 6 ruux ayaa ka soo amababaxay Garoonka diyaaradaha  ee magaalada Ankara oo ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka  ee Turkiga, waxaana lagu wadaa in ay soo gaaraan  maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa dadaal dheer u gashay sidii ay ugu kuur gali laheyd Bukaanadaas, iyadoona  u xilsaaratay  Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga  C/qaadir Maxamed  Xuseen Barqadle.

Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Barqadle  ayaa warbaahinta qaranka Soomaaliyeed u sheegay  in dhamaan dhawacyadii soo gaaraay dalka Turkiga  dib loogu celiyay muqdisho, iyagoo caafimaad qaba, guud ahaan dhawacyadaas oo ka koobnaa 35 ruux iyo 34 ruux oo la socotay.

Xoghayaha labaad ee Safaaradda ayaa si wayn ugu mahadceliyay Dowlada Turkiga ,kuna amaanay sida ay iskugu xilqaantay una caawisay bukaanadii ay wax yeeladu ka soo gaaratay qaraxii 14kii October ka dhacay  muqdisho.