Animation

Daawo Sawirro: Muwaadin Soomaliyeed oo Iska soo Tuuray Dhismo 5 Dabaq ah oo ku yaala Wadanka….

no responses
Sunday October 23, 2016 - 6:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wiil Soomali ah oo Da’diisa lagu sheegay 17 jir ayaa iska soo tuuray Dhismo 5 Dabaq ah oo ku yaalla Degmadda Schmölln ee Bariga dalka Jarmalka.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa baahisay in ciidanka ammaanka gobolka  Thuringia ee dalka Jarmalka ay bilaabeen baaritaano ku aadan  sabaha keenay in wiil Soomaaliyeed uu iska soo tuuro dabaq.

Duqa Degmadda Schmölln, Sven Schrade ayaa ku eedeeyey  inay dad Daawadayaal oo hoos taagnaa Dabaqa uu Wiilka Soomaaliga iska soo tuuray ku dhiiri-geliyeen inuu Dabaqa ka soo boodo, si uu isku dilo.

Maalintii Jimacaha aheyd ayaa warbaahinta dalkaasi waxa ay baahiyeen in wiil Soomaaliyeed oo qaxooti ku ahaa gobolka  Thuringia  ee dalka Jarmalka uu iska soo tuuray Dabaq weyn oo uu kunoolaa.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Gobalka  oo lagu magacaabo Mathias Bergmann ayaa sheegay in qaar ka mid ah Dadkii daawanayey ay sawiro ka qaadeen Shilkaasi, sidii iyagoo daawanaya Filim.

Wiilkaan Soomaliga ah ee Iska soo tuuray Dabaqa ayaa la sheegay in Xooga Madaxa looga jiray oo Daawo ay u socotay.

Taliyaha ciidanka Booliska ayaa sidoo kale ku hanjabay in ay tilaabo ka qaadi doonaan cidii ku diiragalisay wiilka Soomaaliga ah  oo da’diisa lagu sheegay 17 sano jir in uu dabaqa iska tuuro.

” Waxaan helnay xog muhiim ah oo ah in marka uu wiilkaasi dabaqa iska soo tuuray ay hortiisa joogeen dad badan oo daawanayay , dhacdaan waxaa ka dambeeyay dadka deriska la ah wiilkaasi ” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha gobolka Thuringia Sven Schrade.

east-germany-640x427 schmolln-640x360 310x0_1477203936359-2 36126057_303