Animation

Daawo Sawirro: Musharax Jabriib Ibraahim Cabdulle oo Iska Xaadariyay Xarunta Diiwaan galinta Musharixiinta Madaxweynaha

no responses
Saturday January 28, 2017 - 2:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa Isna Maanta iska diiwaan galiyay Xarunta Guddiga Doorashada ee Villa Hargeysa Magaalada Muqdisho.

Jabriil Ibraahim Cabdulle waxa uu buuxiyay Dhamaan Sharuudihii laga rabay Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaliya oo Doorashadiisa ay dhaceyso 8 Feberaayo.

Musharax Jabriil ayaa Bartiisa Facebooka soo dhigay Isagoo ku sugan Xarunta Guddiga Islamarkaana Is diiwaan galinaya wuxuuna yiri” Taageerayasheyda waxa aan u sheegayaa in aan iska diiwaan geliyay xarunta gudiga doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan 2017-ka anaiga oo buuxiyay dhamaan shuruudihii looga baahnaa in ay buuxiyaan musharixiinta.”

” Waxa aan aad ugu mahadcelinayaa guddiga doorashada madaxweynaha shaqada adag ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in aan buuxiyo suruudaha, waxaa aanna u rajeeynaya in doorashadu guul ku dhamaato”

Sidoo kale Musharax waxaa uu la kulmay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaliya Isagoona kala hadlay Arimo dhowr ah.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada