Animation

Daawo Sawirro: Meydadka Laba Caruur ah oo isla Dhashay oo Galabta laga helay Xeebta Curubo ee Magaalda Muqdisho

no responses
Monday October 24, 2016 - 4:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Galabta Gabal dhicii Xeebta Curub ee Magaalda Muqdisho waxaa laga helay Meydka Laba Caruur ah oo Badda ay soo tuftay.

Caruurta Meydadkoda laga helay Badda ayaa da’dooda waxaa lagu qiyaasay 5 Sano jir Iyadoona aan la ogeyn Sababta Caruurtaan ay badda u qaaday iyo Halka ay ka soo qaaday.

Caruurta ayaa la sheegay in ay wada dhasheen waxaana Maamulka dagmada Shangaani ay sheegen in Meydadka labada Caruurta ah ay ku wareejiyeen Waalidkii dhalay .

Reerka dhalay Caruurta walaalaha ah ee Badda ku geeriyoday ayaa la sheegay in ay Daganyihiin Dagmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir.

Halkan Hoose ka Daawo Sawirrada Meydadka Caruurta

4-1 5