Animation

Daawo Sawirro: Magaalada Xalab ee Dalka Suuriya oo Lagu garaacay Hub Dunida ay ka qeylisay iyo Caruur Dhamaatay

no responses
Wednesday September 7, 2016 - 10:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Shaqaalaha gurmadka deg degga ah ee ku sugan qaybta ay fallaagadu gacanta ku hayso ee magaalada Xalab ee dalka Suuriya, ayaa sheegay in diyaarado qummaati u kaca oo dowladdu leedahay ay ku duqeeyeen magaalada haamo ay ku jirto neefta sunta ah ee chlorine.

Qof ku sugan bariga magaalada Xalab ayaa BBC-da u sheegay in hal qof ku dhintay boqol iyo labaatan kalena ay ku waxyeelloobeen. Dowladdu waxay dib u cusboonaysiisay go’doomintii buuxday ee ay ku haystay Xalab, Qaramada Midoobayna waxay sheegtay in Suuriya uu haatan ka taaganyahay dagaal ba’an oo soo laba kacleeyay.

Dhowr jeer ayaa Dowlada madaxweyne bishaar lagu eedeyay inay adeeg satay Bambanoyin Sun ah inkastoo eedeymahaasi aysan dhaq jalaq usiinin, haye shee Dowlada Siiriya waxaa ucad kaliya waxkasto ay heli karto inay isaga caabiso Mucaaradka ka soo horjeeda.

 

55 441 joi _91052522_aleppo3