Somali News Top News

Daawo Sawirro: Madaxweyne Xasan Shiikh oo xariga ka jaray Waddooyinka Danwadaagta iyo Sayidka oo dhawaan dayactir lagu Sameeyay

Muqdisho, 15 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay waddooyinka Danwadaagta iyo Sayidka, kuwaas oo dhowaan ay dib u dhiseen maamulka gobolka Banaadir oo ka duulaya barnaamijka dalkaaga dhiso.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha waddooyinkan ay tilmaan u tahay sida shacabka uga go;an tahay inay waddankooda wax u qabtaan, intii karaankoodana ay ku hirgeliyan mashaariic horumarineed.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in waddooyinkan burburkii ka muuqday iyo maanta sida laga dhigay ay muujinayso in shacabku tashadey, ayna doonayaan inay qurxiyaan xaafadahooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay maamulka gobolka Banaadir sida uu uga soo dhalaaley kaalintiisa ku aaddan dib u dhiska waddanka iyo weliba doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga caasimadda.
Madaxweynaha waxaa furitaanka waddooyinkan ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo mas’uuliyiin kale.

——————–DHAMMAAD—————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IB0A2710 IB0A2729 IB0A2735 IB0A2738 IB0A2748 IB0A2752 IB0A2757 IB0A2723 IB0A2724

Related posts

Dhagayso:- Agaasimhii Ciidamad Badda Puntland oo Xilkii iska Casilay

admin

Atam “heshiis baan ku imid, Nabadgelyana Waan qaatay”

Tifaftiraha K24

Dhagayso+Sawiro:- Kulan Shaqaalaha Tayeenta Puntland ku saabsan oo Garowe ka Furmay

Tifaftiraha K24

1 comment

Comments are closed.