Animation

Daawo Sawirro: Madaxweyne Xasan Shiikh oo Maanta Xariga ka Jaray Xarun aad Muhiim u aheyd oo loogu talagay in …….

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 3:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray xaruntii ciidamada cirka ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dib u howlgalinta Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyoone ayaa waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidamada xoogga dalka, taliyaha ciidamada cirka, taliyaha nabad sugidda qaranka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay taliyaha ciidamada cirka ee dowladda Soomaaliya, Gen. Maxamuud Shiikh Cali waxa uuna ku dheeraaday taariikhda ay soo martay xarunta ciidamada cirka oo uu sheegay in ay aheyd meeshii ugu horeysay ee lagu aasaasay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale taliyaha waxa uu bogaadiyay dhamaan dadkii gacanta ka geystay dib u dayactirka xarunta ciidamada cirka oo in muddo ah aanan lagu shaqeyn.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay, taliyaha ciidamada xoogga dalka, Maxamed Aadan Axmed waxa uuna sheegay in dhismaha xarunta ciidamada cirka ay tusaale u tahay horumarka ciidamada qalabka sida uu ka gaaran dib u howlgalinta goobihii taariikhiga ahaa ee ay ku shaqeyn jireen ciidamada dowladda, waxa uuna taliska ciidanka cirka kula dar daarmay in ay ka soo dhalaalaan howlaha baaxadda leh ee ay u haayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama ay heleen xarun ay ku shaqeeyaan.

Ugu danbeyn waxaa munaasabadda soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud, waxa uuna ugu horeyntii u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dib u dayactirka xarunta ciidamada cirka oo uu sheegay in ay ka muuqatay bur bur xoogan, waxa uuna taliska ciidamada cirka kula dar daarmay in ay dar dar galiyaan howlaha baaxadda leh ee ay u hayaan dalka iyo dadka, si dalka looga samata bixiyo dhibaatada mudada dheer soo jiitameysay.

ib0a8176 ib0a8185 ib0a8186 ib0a8188 ib0a8189 ib0a8191 ib0a8207 ib0a8216 ib0a8220 ib0a8223 ib0a8232 ib0a8242 ib0a8244 ib0a8247 ib0a8248 ib0a8258 ib0a8271 ib0a8272 ib0a8282 ib0a8290 ib0a8291-1 ib0a8292 ib0a8306 ib0a8309 ib0a8312 ib0a8313 ib0a8322 ib0a8324 ib0a8333 ib0a8336 ib0a8337 ib0a8338 ib0a8339 ib0a8340 ib0a8341 ib0a8342 ib0a8343 ib0a8345 ib0a8352 ib0a8362 ib0a8363 ib0a8364 ib0a8366 ib0a8422 ib0a8427 ib0a8438 ib0a8439