Animation

Daawo Sawirro: Kaalintee ayuu Galay Wiilka Soomaliya u Mataalaya Tartanka Naafada ee ka socda Dalka Brazil???

no responses
Saturday September 10, 2016 - 8:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Farxaan Caddow (Hadaafoow) oo ah Wiil Soomaaliyeed ayaa guul ka soo hooyay wareeggii 1-aad Tartankii Baaskiilada Naafada ee Boqolka Mitir oo lagu qabtay Magaalada Rio De Jenaria ee Wadanka Baraasiil.

Farxaan oo shalay ka qeybgalay Tartanka Caalamiga ah ee Naafada ayaa ka galay kaalinta 5-aad, isagoo Calanka Soomaaliya ka hor mariyay Dalal waaweyn ee horumaray oo ay ka mid ahaayeen Dalalka Germany, Japan iyo kuwo kale.

Wiilkaa Soomaaliyeed oo iskiis isku xilqaamay ayaa waxa uu mudan yahay dhiiragelin iyo mahadnaq, waxaana u rajeynaynaa inuu dadaalkiisa sii wado, maadaama uu guul taariikhi ah u soo hooyay Ummadda iyo Calanka Soomaaliyeed.

fa1-1 fa-2 fa2-1