Animation

Daawo Sawirro: Howlgalo Qorsheysan oo Ciidamada Huwanta ay ka Sameeyeen Deegaano iyo Tuulooyin Hoostaga Dagmada…..

no responses
Saturday November 5, 2016 - 10:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka Imaanaya Deegaano Hoostaga Dagmada Qoryooley ayaa waxa ay sheegayan in Howlgalo qorsheysan ay Ciidamada Huwanta ka sameeyeen Deegaanadaasi.

Howlgalada waxa si wada jir ah u Fuliyay Ciidamada NISA Kuwa Boolsika Soomaliyed iyo Ciidamada Amisom waxaana Howlgalada ay ka dhaceen Tuulooyinka Xero koowaad, Xero Labaad, Doon Buraale, Maayo Murug, Bandar, Cabdi Cali, Dhanshinley, Gorgaal iyo Caramooy oo dhammaantood hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) ayaa warbaahinta Dowlada u sheegay in howlgalkan uu yimid kaddib markii ay ciidamada ka war heleen in Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay saldhig ka sameysteen meel 5-km u jirta degmada Qoryooley wuxuuna Guddoomiyaha uu sheegay in Ciidamada Markii ay Halkaasi u Ruqaansadeen ay Kooxdii Shabaabka ahaa ay ka baxeen.

Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali (Najax) oo ay qeyb ka yihiin Taliyaha qeybta Booliska gobolka Gaashaanle Dhexe Cabdi Ibraahim Shaamow iyo ku xigenka Maaliyadda gobolka Cabdiftaax Xaaji Cabdalla ayaa waxay socdaal ku marayaan degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada Howlgalka

3 4 5 21 61