Animation

Daawo Sawirro: Hotel Dayax iyo Dhismayaashii ka agdhawaay oo aad Moodo in Dagaalo sokeeye ay ka dhaceen

no responses
Thursday January 26, 2017 - 4:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Kooxo Hubeysan ayaa shalay Weerar qorsheysan oo Qaraxyo xoogan ku bilowday waxa ay ku qaadeen Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Qarax xoogan ayuu ku Bilowday weerarkaasi kaasi oo lagu dhuftay Albaabka hore ee laga galo Hotelka Halkaasi oo Bar koontarool ay u taalo Ciidamada Ammaanka Hotelka.

Gaari Laga soo buuxiyay Dhuxul ayaa la sheegay in uu ku qarxay Albaabka Hotelka waxaana uu ahaay Qarax xoogan oo Guud ahaan Bur buriyay Dhismaha Hotelka iyo dhismayaal kale oo ka Agdhawaay.

Qarax Labaad oo loo adeegsaday Gaari NOAH ah oo yiilay Banaanka Hotelka waxaana la sheegay in gaarigaasi ay kasoo dageen Ragii weerarka sooq aaday ee Gudaha u galay Hotelka.

Qaraxaan oo ahaa kii labaad ayaa waxa uu Qasaaro u Badan dhaawac soo gaarsiiyay dad badan oo Saxafiyiin ay ku jiraan waxaana qaraxaasi uu dhacay xili lagu mashquulsanaay Dableydii gudaha u gashay Hotelka oo Rasaas gudaha kasoo rideysa Saxafiyiintana ay duubayan Bur burka qaraxii xoogana uu u geestay dhismaha Hotelka iyo kuwa kasoo horjeeda.

Iyadoo Muuqaal duubista ay socoto ayaa Mar qura waxaa la maqlay Qarax kaloo xoogan oo Hotelka Banaankiisa ka dhacay waxaana Kaamirada ay duubtay Gaariga oo Hawada galay iyo Holac iyo qiiq xoogan oo goobta qariyay.

Hadaba Saxafiyiinta ayaa Maanta booqday Hotelka Dayax ee shalay la weeraray iyo Goobaha kale ee hotelka u dhawaa oo Iyagana aad u bur buray .

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada 

Facebook Comments