Animation

Daawo: Sawirro horudhac ah oo laga soo qaaday Hotelkii la wareeray ee Saxafi

no responses
Sunday November 1, 2015 - 6:35 under Somali News by admin
mqdefault

Hotelka Saxafi ee Magalaada Muqdisho ayaa saakay aroor hore waxaa lagu weeraray gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay , waxaana qaraxaasi kadib gudaha u galay dhismaha Hotelka dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oon tiradooda rasmiga ah la heyn.

Dagaalyahanada gudaha u galay Dhismaha Hotelka ayaa ilaa hada lagu soo waramayaa in ay ku jiraan dhismaha Hotelka ayna ka dhax dagaalamayaan, waxaana gudaha Hotelka ku dagaalamaya ciidamada Nabad Sugida iyo raga weerarka ku galay dhismaha Hotelka.

In ka badan 10-qof ay ku jiraan Xildhibaano, Siyaasiyiin, iyo Saraakiil ayaa weerarkaasi ku dhintay , waxaana jira dhaawacyo iyana soo gaaray Saraakiil iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Halkan ka Daawo Sawirro hordhac ah oo laga soo qaaday Hotelka Saxafi ee saakay la weeraray


image

image

image

image