Animation

DAAWO: Sawirro Horudhac Ah Oo Aynu Ka Helnay Weerarka Hoteel Dayax.

no responses
Wednesday January 25, 2017 - 7:10 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

Waakaladda Wararka ee kismaayo24.com ayaa si horudhac ah waxay u heshay sawirada qaraxyo xooggan iyo weerar toos ah oo lagu qaadey Hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

Sawirada ayaa muujinaya xoogga qaraxyadan inta ay la egyihiin, waxaana burbur uu soo gaaray dhammaan dhismayaasha ku gadaaman Hoteelka iyo sidoo kale wadooyinka u dhow.

Khasaare xooggan ayaa ka dhashay qaraxan, waxaana laga yaabaa in khasaraaha inta uu hadda yahay kasii bato maadaama dableydii hubeysneyd ay weli Hoteelka ku jirto.

Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku sugnaa Hoteelkaasi, welina lama soo sheegin cid magac leh oo halkaasi waxyeello kasoo gaartay.

 

Nagala Soo Xiriir

Warqaadteam@gmail.com