Animation

Daawo: Sawirro hordhac ah soo dhaweynta madaxweyne farmaajo ee kismaayo iyo garoonka oo shacab ay buux dhaafiyeen

no responses
Tuesday June 6, 2017 - 11:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Waftiga Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa si diiran Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,Waxaa sidoo kale soo dhaweynta Madaxweynaha ka qayb qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Magaalada Kismaayo ayaa ah sidii uu u dhiiri galin lahaa Cidanka Xoogga iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo isku diyaarinaya sidii ay u qaadi lahaayeen Hawlgal ballaaran oo Al-shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Jubbaland,Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kunool Magaalada Kismaayo.

Kismaayo ayaa noqoneysa Magaaladii afaraad ee uu booqdo Madaxweyne Farmaajo oo hore safaro ugu tagay Magaalooyinka Baydhabo,Cadaado iyo Afgooye,Socdaalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Magaalada Kismaayo uu ka dhacay Qarax khasaare badan geystay.

Facebook Comments