Daawo Sawirro: Guddoomiye Eng Yariisow oo markale loo sameeyay Xaflad soo dhaweyn ah

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir ahna duqa mudisho C/raxmaan cumar cismaan Eng Yariisow.

Xafladaan ayaa waxa ka soo qeyb galay Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda Soomaaliya, Wasiiro, Odayasha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo ka hadlay xafladda ayaa uga mahadceliyay bulshada Gobolka Banaadir sida ay u garab taaganyihiin Maamulkiisa.